Shirka Sannadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka Golaha Wasiirrada ee dar-dar gelinta qorshayaasha Qaranka oo looga tashanayo geeddi-socodka qorshe hawleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019-ka.

Shirka oo loo Qorsheeyay inuu socdo maanta iyo berri ayaa waxaa maanta dib loogu eegayay qorshooyinkii Wasaaradaha ee Sannadka dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka soo socda.

Wasiirradii kulanka ka hadlay ayaa dhammaantood waxay soo gudbiyeen waxqabadkoodii sannadkan gaba-gabada ah iyo Qorshayaasha u degsan sannadka nagu soo fool leh.

Dhanka kale, Wasiirrada aan fursadda u helin in ay maanta soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkan iyo qorshayaasna sannadka dambe ayaa lagu wadaa inay berri ka hadlaan kulanka.

Ugu dabmeyn, Kulankaan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay isugu yimaadaan golaha wasiirrada xukuumadda uu horkacayo Xasan Cali Khayre, iyadoo la filayo inay maalinta berri ah ay kasoo saaraan warbixin dhameystiran.

PUNTLAND POST