Maxkmada Gobolka Banaadir ayaa xukuno ku riday qaar kamid ah shaqaalaha dowlada oo lagu helay musuq maasuq.
8 kamid ah shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa xukuno kala duwan lagu riday.
Maxkmada ayaa xukun ku riday madixii canshuuraha Dekeda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samow iyada oo ku xukuntay 3 Sano oo xarig ah.
Sidoo kale maxkmada ayaa 7 kamid ah shaqaalaha dekedda Muqdisho ku riday min 3 Sano oo xarig ah.
