Golaha Aqalka Sare oo ka digay in fara-gelin lagu sameeyo Doorashooyinka Maamullada

Muqdisho (PP) ─ Gudiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia oo maanta shir saacado socday ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa waxay ka digeen inaan wax faragelin ah lagu sameynin doorashooyinka dhawaan kuso wajahan maamul goboleedyadda dalka qaarkood.

Xoghayaha Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac oo Warbaahinta la hadlay shirka kaddib, ayaa sheegay inay ka digayaan inaan fara-gelin lagu sameyn Doorashada maamul-goboleedyada dalka, gaar ahaan midda bishaan ka dhici doonta Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, Wuxuu ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha ee maamulka Koonfur-galbeed inay u hoggaansamaan shuruucda u dagsan maamulka Koonfur-galbeed iyo tan guud ee dalka.

Doorashada Koonfur-galbeed ayaa dhici doonta 17-ka bishaan November ee lagu jiro, waxaana jiray cabashooyin fara badan oo kasoo yeeraha shacabka iyo waxgaradka maamulkaas, kuwaasoo Dowladda Federaalka ah uga digay in fara-gelinta ay ka dayso doorashada.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa lagu eedeeyay inay fara-gelinno aan loo meel-dayin ku hayso maamul-goboleedyada dalka, gaar ahaan xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka maamulladaas.

DHAGEYSO: Warbixinta Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee BFS;

PUNTLAND POST