Wasiirka Maaliyada Somalia oo lagu eedeeyay inuu wado Fara-gelin iyo Marin habaabin

Muqdisho (PP) ─ Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya, Faadumo Cismaan Faarax ayaa eedeyn kulul u jeedisay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somalia, iyadoo ku eedeysay inuu fara-gelin ku haayo Xafiiskeeda, iyadoo warqad ay arrintan uga cabanayso u dirtay xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Warqada cabashada ah ayaa cinwaan looga dhigay jawaab celin fara-gelinta xafiiska xisaabiyaha guud iyo marin habaabinta Wasiirka Maaliyadda Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle.

Sidoo kale, Xisaabiyaha guud ayaa ku eedeysay Wasiirka inuu Xafiiskiisa ka socdo qas iyo xad-gudub maamulka Maaliyadeed ee waddanka, iyadoo ka jawaabeysay warqad kasoo baxday xafiiska wasiir Beyle 31-kii bishi hore ee Oktoobar, taasoo ay ku tilmaamtay inay ka muuqatay handadaad iyo isku-day la doonayo in lagu nugleeyo xafiiska xisaabiyaha guud ee dalka si uusan u gudan waajibaadka qaanuuniga ah.

Ugu dambeyn, Xisaabiyaha Guud ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaamtay warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda oo aan heysan wax sharciyad ah.

AKHRISO: Qoraalka Xisaabiyaha Guud ay ka Qotay Wasiirka Maaliyadda;

PUNTLAND POST