Ergeyga Gaarka ah Ee Qaramada Midoobeey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Nichalas Haysom ayaa waxa uu ka digay Xasarada Siyaasadeed Ee ka dhex Aloosan Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada ay Caqabad ku noqoto Caawimaadii Soomaaliya lasiin jiray.
Xafiiska UNSOM waxa uu ku baaqay in la dedajiyo dhameynta Xiisadaasi,si loo bad baadiyo Dadka Soomaaliyeed iyo Dalka Dib usoo kabashada ku jira.
“Waa Maxay Xilligaan waxa keeni kara in la is khilaafo,Siyaasada waa la iskaga hor imaan karaa,balse maahan inay gaarto heerkaan oo kale,ayuu yiri Danjire Haysom”.
Waxa uu ugu baaqay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Maamul Gobolleedyada Horboodaya Ee Dawlada Dhexe hoos yimaada inay xal raadinta socota udhego nuglaadaan.
Isagoo ka hadlayey Baydhabo ayuu sheegay in ay wadaan wada hadal ay la qaadanayaan Madaxda Dawlad Gobolleedyada loona dhageysto Tabashada ay qabaan kadibna ay Dawlada Federaalka ay la kulmi doonaan Xubnaha ugu sareeya si xal waara loo gaaro.
Waxa uu Nicholas Haysom ku taliyey ka hor Doorashada Bishaan ka dhaceysa Kala barkeeda Magaalada Baydhabo in la heshiiyo si qalbi furnaan loo tartamo oo dalka loo bad baadiyo iyo Dalkaba.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la kulmay Nicholas Haysom iyo fransisco Madiera waxa ay kawada hadleen Arimaha Doorashada 17 Bishaan dhaceysa iyo Khilaafka ka dhaxeeya Dawlada Federaalka Soomaaliya,balse aan la shaacin wixii la isku afgartay.
Ugu dambeyn Xafiiska Qaramada Midoobeey Ee Arimaha Soomaaliya UNSOM waxa uu ku cel celinayaa in Xal laga gaaro Muranka Siyaasadeed Ee Madaxda Dawlada Dhexe iyo Maamul Gobolleedyada ka dhex taagan,si loo sii ambaqaado Siyaasad hufan iyo Duulaanka Xarakada Al Shabaab Lagu Xoreynayo oo sii socda.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post