Jawaari oo Kulankii Baarlamaanka muddo kadib ka soo muuqday.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya haddana ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka soo muuqday fadhigii Baarlamaanka ee ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulankii Baarlamaanka ayaa ahaa kii kulanka 21-aad kalfadhigiisii-4aad ee uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha kulanka aya ah aqrinta koowaad mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka ( dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda iyo sii wadista dooda iyo ansixinta xeer hoosaadka golaha shacabka.

Proff Jawaari ayaan ka soo muuqan kulamada Baarlamaanka tan iyo markii uu xilkaasi iska casilay 9-kii Apr , 2018 .

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho