Koonfur Galbeed: Shuruudaha musharraxiinta xilka madaxweynha oo la shaaciyay

Guddiga doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahanyahay musharrixiinta u tartamaya xalka madaxweynaha.

Shuruudaha guddigu soo saaray oo ka kooban sagaal qodob ayaa waxaa kamid ah in shakhsiga u tartamaya xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed uusan lahayn xaas ajnebi ah iyo in uusan gelin dembiyo culus oo maxkamdi xukuntay.

Sidoo kale shuruudaha waxaa ku xusan in qofka musharrax ah uusan wax xil ah hore u hayn iyo in uu ogolaado una hoggaansamo hab-raaca guddiga doorashada KFG,islamarkaana bixiyo lacagta curaarta ah oo dhan$20 kun oo Dollar musharraxa ragga ah halka musharraxa haweenka ah laga rabo $10 kun oo Dollar.

Dhinaca kale guddigu wuxuu soo bandhigay jadwalka doorashada madaxweynaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

 

PUNTLAND POST