Dhacdadii uu ku dhintay suldaan Xassan Cali Jibriil oo xal rasmi ah laga gaaray

Guddigii isimada Puntland ee loo xil saaray xallinta dhacdadii uu ku dhintay suldaan Xassan Cali Jibriil ayaa maanta shaaciyay in si rasmi ah loo xalliyay arrintaasi.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay soo qayb galeen cuqaal,waxgarad,isimo,culimaa’uddiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa go’aanka looga dhawaaqay.

Guddigu waxay sheegeen in beesha Aadan Saciid ee Warsangeli ay dil iyo diya’ba ka cafiyeen Maxamuud Cismaan Sugulle oo ah ninka uu gacantiisa ku dhintay Suldaankii beesha Aadan Siciid suldaan Xassan Cali Jibriil.

Halkaan ka akhriso go’aannada guddigu soo saareen

PUNTLAND POST