Waxgarad uu hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo u ambabaxay deegaanka Dhumay

Islaan Ciise Islaan Muuse

Wax garad garaaya illaa 30 oo iskugu jira cuqaal, ganacsato iyo siyaasiyiin uuna hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamida isimada ugu magaca dheer Soomaaliya ayaa u ambabaxay degaanka Dhumay ee Gobalka Sool oo ay dhawaan ku dagaalameen labba beellood oo walaalo ah.

Waftigan ballaaran ee uu hogaaminaayo Islaan Ciise ayey wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST sheegayaan inay halkaas u aadeen sidii ay u dhex geli lahaayeen beellahan walaalaha ee isku hor fadhiya degaamadii ay dhawaan dagaallada dadka badan ku dhunteen ka dhaceen.

Ergadan ka ambabaxday Gobalka Nugaal ayaa lagu wadaa inay kulamo deg-dega la yeeshaan beelLaha isku horfadhiya degamadaas si loo baajiyo in mar kale uu dhiig daato, waxaana la rajaynaayaa inay xal wanaagsan ka garaan collaadan soo noq-noqtay inta ay ku sugan yihiin Gobalka Sool.

Dhawaan ayey ahayd markii ay dagaalo kharaar oo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof ay labadaas beellood ku dhex mareen degaanka Dhumay ee gobalka Sool waana markii ugu horaysay oo wafti noocaana uu gaaro degaanka ay collaadu ka dhacday tan iyo markii ay dagaaladani dhaceen si loo baajiyo in mar kale dhiig daato.

PUNTLAND POST