Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay kooxda Fannaaniinta Waaberi Puntland.
Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo ku taariikhaysan 25-kii bisha October ayaa lagu magacaabay Ibraahim Ciise Maxamuud(Ibraahim Cajaa’ib) guddoomiyaha cusub ee kooxda Waaberi Puntland.
Ibraahim Cajaa’ib ayaa beddelaya guddoomiyihii hore ee kooxda Fannaaniinta Waaberi Puntland, abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube oo in mudda ah xilka hayay.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
You must be logged in to post a comment.