Madaxweynaha Soomaliya oo Saaka u amba baxay Suudaanta Koonfureed

Muqdisho-[Puntland Post]-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka amba baxay magaalada Muqdisho,isago ku sii jeeda Dalka Suudaanta Koonfureed.

Sida ay qortay Wakaalada wararka SONNA wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda lagu dhameystirayo heshiiska ay gaareen dhinacyada isku hayay dalkaas.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD,kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa kamid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana dalkaasi kunool kumanaan Soomaali ah,kuwaasi oo ganacsi waaweyn ku leh dalkaasi.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post