Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada oo u jawaabay Aqalka Sare ee Baarlamaanka DF

Muqdisho (PP) ─ Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada Somalia, ayaa qoraal ay soo saareen kusoo dhaweeyay dadaalka Xubnaha Aqalka Sare ay ugu jiraan xalinta khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad-goboleedyada Soomaaliya.

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Puntland oo ah guddoomiyaha Golaha iskaashiga, Laakiinse xil-heyntiisa ay dhammaatay soona baxay 29-kii bishan ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu uu ku kalsoon yahay dhex-dhexaadinta Aqalka Sare.

Sidoo kale, Warqada kasoo baxday Golaha Iskaashiga ayaa waxay jawaab u tahay warqad horay uga soo baxday Golaha Aqalka Sare ee Dalka oo ahayd in xubnaha Dowlad-goboleedyada ay soo magacaabaan wasiirro ku metala dhex-dhexaadinta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada u dhexeeya.

Ugu dabmeyn, Aqalka Sare ayay ugu baaqeen inay Dowladda Federaalka ah kala hadlaan waxyaabaha ay tabanayaan, si xal waara looga gaaro muranka hadda u dhexeeya labada dhinac.

Haddaba, AKHRISO; Qoraalka kasoo baxay Dowlad-goboleedyada;

PUNTLAND POST