Dawlada Soomaaliya iyo Bank-ga adduunka oo kala saxiixday $80 Milyan

Muqdisho-[Puntland Post]-Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bank-ga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, ayaa maanta si wada jir ah u saxiixay $80 oo ah qaybtii hore ee mashruuca bank-ga adduunku uu dawladda Soomaaliya ku abaal mariyay.

Wasiirka maaliyadda XFS ayaa sheegay in Bank-ga adduunku uu aad usoo dhaweeyay hannaanka dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga shaqeeyeen hannaanka dayn cafinta kadibna ay go’aansadeen in lagu abaal mariyo $140 Mliyan oo $80 Milyan oo kamid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Hoos ka daawo Muuqaalka Wasiirka Maaliyada Soomaliya oo Faah-Faahin ka bixinaya waxa lacagtan lagu qaban doono

Cabdiqani Boos 

Puntland Post