Taliska AMISOM oo ka Hadlay Weerar Ciidamo AMISOM ah lagula eegtay Gobolka Hiiraan

Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada AMISOM ayaa  beeniyay in ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan miino dhulka lagu aasay lala beegsaday ayna uga dhinteen 30-askari.

AMISOM ayaa sheegtay in ciidanka oo kolonyo ahaa ay afar askari oo kaliya uga dhaawacmeen weerarkaas, ayna dhaawacyadoodu ahaayeen kuwo aad u fudud lana daaweeyay, iyagoo aanay jirin faahfaahin intaas ka badan oo la bixiyay.

Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa intaas ku daray in Ciidamada weerarka lala beegsaday ay marayeen deegaank Ceel-gaal, ayna ahayeen kuwo dalkooda dib ugu laabanayay ayna ka tallaabeen xadka ay leeyihiin Somalia iyo dalka ay ka socdeen ee Itoobiya.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in weerar la beegsadeen ciidammo Itoobiyaan ah ayna dileen 30-askari, kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan gaarsiiyeen.

Dhanka kale, Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay maanta gaareen degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud, halkaasoo ay fariisimo kala duwan ka sameysteen, lamana oga ujeedka ka dambeysa tallaabadan.

Ugu dmabeyn, Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa waxay ka hawl-galaan bartamaha Somalia, sida Hiiraan iyo Galguduud, halkaasoo ay kala kulmeen dhawr jeer weerarro ay la beegsatay Al-shabaab.

PUNTLAND POST