Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa soo dhoweeyay gogosha uu madaxweyne Farmaajo mar kale u fidiyay golaha islaashiga dowlad goboleedyada,si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac.
Sheikh Shaakir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Galmudug aqoonsantahay jiritaanka dowlada Federaalka Soomaaliya,uuna ku baaqayo in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka xukuumadda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.
Sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in uu shakhsi ahaan mas’uuliyad iska’ saarayo xal u helidda khilaafka u dhexeeya labada dhinac,isagoo madaxda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xasuusiyay qaraxii lagu hoobtay ee Soobe 14 October 2017 iyo muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.