Mareykanka oo si Taxadar leh uga hadashay Doorashada Maamulka Koonfur-galbeed

Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inaysan jirin musharax ka mid ah kuwa ku loollamaya hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia oo ay si gaar ah u taageersan yihiin.

Qoraalka ayaa lagu xusay inay taageerayaan dhammaan musharraxiinta u tartamaya maamulka Koonfur-galbeed, isla markaana ay soo dhaweynayaan cid walba oo ku guuleysata doorashada oo dhici doonta 17-ka November ee 2018-ka.

Sidoo kale, Qoraalkan oo kasoo baxay Xafiiska u Qeybsan Soomaaliya ee Xukuumadda Wanshigton ayaa lagu sheegay inuu soo dhaweynayo guddiga doorashada Madaxweynaha ee maamulka Koonfur-galbeed Somalia ee Toddobaadkii hore looga dhawaaqay Baydhabo.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la isla dhex-marayay in mid ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ay wataan Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, balse Dowladda Somalia ayaa weli ka hadlin arrintaan.

Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed iyo Dowladda Federaalka ah oo ka dalbaday dowladda Somalia inay fara-gelin ka dayso doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Baydhabo.

Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa ka socda ololaha doorashada Madaxweynaha Koonfur-galbeed, iyadoo musharaxiintana ay ka mid yihiin musharixiin xilal hore uga  soo qabtay Dowladda Federaalka iyo musharax xil sare ka soo qabtay Al-shabaab.

PUNTLAND POST