Wararka hadda naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee dhaca duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow lagu dilay dad saarnaa gaari.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ku dhowaad 6-ruux ay dhinteen tiro intaasi ka badana ay dhaawacmeen kadib markii dableey hubeeysan ay rasaas ku fureen dad saarnaa gaari nooca raaxada ah.
Lixdaasi ruux ayaa 3-kamid ah waxa ay ahaayeen walaalo sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Dadka la rasaaseeyay ayaa ka yimid degmada Afgooye oo 30-KM u jirta Muqdisho iyaga oo ku soo wajahnaa Muqdisho.
lama oga cida falkaasi ka dambeeysay iyo dadka la dilay waxa ay yihiin .
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post