Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan maanta oo Isniin ah ku leh xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa inoo xaqiijiyay in uu jiro Xildhibaano aan la hadalnay.
Ajendaha kulanka ayaa ah u codeeynta wax ka badalka xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiye Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayuu qorshuhu yahay in shirkaasi uu shir gudoomiyo.
Amaanka xarunta golaha shacabka ayaa la adkeeyay waxaana la sii xiray wadooyinka ku dhow xarunta golaha shacabka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho