Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo meel-mariyay miisaaniyadda 2019-ka

Muqdisho (PP) ─ Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar).

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda sanadka 2019 oo ka badan Miisaaniyaddii sannadka dhammaadka ah ee 2018 oo ahayd 274.6 Milyan.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyada loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

“Waxa aan ku faraxsanahay in golaha wasiirradu ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019. Miisaaniyaddennu waxa ay gaartay $340 Milyan. Horumarkani waa natiijadii ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay u gudbinaysaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si uu u meel mariyo.

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH:

Meelaha laga filayo Dakhliga

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) waxa ay ka filaysaa gudaha dalka, 44.2% (124.6 Milyan) waxa ka filaysaa deeqaha dawladda lagu caawiyo.

Dakhliga Gudaha;

Dakhliga gudaha laga filayo ayaa isugu jiraa canshuur lasoo aruuriyay iyo qayb aan canshuur ahayn.

Canshuuraha waxaa laga filayaa 135.2 Milyan iyada oo dakhliga aan canshuuriga ahayn la filayo uu yahay 54.7 Milyan oo dollar.

Deeqaha Dowladda la siiyo;

Deeqaha dawladda la siiyo wax ay isugu jiraan deego laba dhinac ah iyo deeqo dhinacya badan, waxaana 30 Milyan oo kamid ah la filaayaa in ay ka timaaddo deeqda laba dhinac la ah, 120.2 Milyan ee kalana waxa ay ka imaanaysaa deeqaha dhinacyada badan.

PUNTLAND POST