Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeeystay shirkii uu markale ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Afhayeenka guddiga iskaashiga dowlad goboleedyada ahna wasiirka dastuurka maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay warqadaasi ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.
“Warqadaasi annaga ma aanu arkin, balse baraha bulshada ayay dhex yaaceysaa, mar waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa qoray, marna wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoray, annaga xafiiskeena weli ma soo gaarin warqadda, hadii ay soo gaarto ayaan ka hadli karnaa” ayuu Cabdullaahi Sheekh Xasan
Waxa uu sheegay in ay ka war sugayaan aqalka sare go’aanka uu ka gaaro khilaafka maamul goboleedyada islamarkaasina hadda aanay diyaar u aheyn shirka uu ku baaqay madaxweynaha in ay ka qeeybgalaan.
Dhowaan madaxweyne Farmaajo ayaa markale ku ciliyay in madaxda maamul goboleedyada ay shir isugu yimaadaan si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post