BANGIGA AMAL OO MAALGELIN U SAMEEYEY 20 DUMARKA GANACSATADA YAR-YAR AH-BOSASO

Bosaso[Puntland Post] Bangiga Amal ayaa xaflad maalgalin ah u sameeyay in ka badan 20 dumarka ganacsiga yar yar ku haysta Bosaso, xafladaan lacag wareejinta ayaa bangiga ku qabtay hoolka Amal Palaza ee Xarunta Amal Bank, Bosaso.

Bangiga Amal oo ujeedooyinkiisa  ay ka mid tahay horumarinta bulshada; si weyna uga dhex muuqda adeegyada bulshada iyo hormarka guud ayaa ka qeyb qaadanayey horumarinta ganacsiga yar yar oo ugu  horeeyo  ganacsiga dumarku. Maalgelintaan fufud ayaa  ganacsatada lagu siinayo lacago amaah ah oo aan faa’ido la socon (Qardu Xassan)..

Ugu horeyn maamulaha Bangiga Amal ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari; Dr. Maxamed faahiye Ciise ayaa ka hadlay ujeedka xafladdan loo qabtay iyo sida ay shirkadda Amal uga go’antahay markasta in ay ugu horeeyso waxtarka bulshada.

Madaxa horumarinta Bangiga ee gobolka Bari iyo Sanaag Jaamac Ciise Maxamud ayaa  sidoo kale sheegay in barnaamijkan ay la socon doonaan tababarro joogto ah iyo la talin si ay ganacsatadu hab fiican ugu maamulaan ganacsigooda.

Maxamed Cabdi Waaberi oo ka socday Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa kula dar-daaranay haweenka loo sameeyey Maalgelinta (qardu xasanka ah) in ay kaga faa’idaystaan hormarinta ganacsigooda isla markaasna ay ka faa’idaystaan aqoonta iyo tab barada la socda.

Haweenka loo sameeyey maal gelinta ayaa soo dhaweeyey, waxa ayna sheegeeen in barnaamijka uu yahay mid haweenka ku dhiiri gelinaya in ay ganacsadaan isla markana ganacsigooda hormariyaan

Bahda Amal Group oo uu ka tirsanyahay Amal Bank ayaa inta badan ka muuqata taageerista waaxyada muhiimka ah ee bulshada sida hormarka, waxbarashada iyo caafimaadka taas oo ay inta badan bulshadu ku bogaadiyaan

Cabdiqani Boos 

Puntland Post