Wararka naga soo gaaraya magaalada Jig Jig ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xeray xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulkaasi.
Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in xildhibaanad Nasra Xasan ay ka kaxeeysteen hooygeeda magaalada Jig Jiga.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga xariga Xildhibaanadaasi katirsan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa ugu baaqay madaxweyne Mustafa Cagjar in uu dhowro xasaanada xildhibaanada xildhibaanadaasina uu xabsiga ka sii daayo.
Faah Faahinta dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post