Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa taliye cusub u magacaabay ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland.
Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 28 October 2018 ee ku beegan maanta oo Axad ah ayaa taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland loogu magacaabay,Sarreeye Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen.
Taliyaha la magacaabay ayaa beddelaya Gen Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo xilkan hayay,balse saaka ku dhawaaqay in uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar