Madaxweyne Farmaajo oo markale dowlad goboleedyada ugu yeeray shir

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray dowlad goboleedyada ku martiqaaday shir wadatashi ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada dowlad goboleedyada, uu mar kale ku celinayo baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan madxda dowlad goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne farmaajo ayaa sheegay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan dowlad goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay dowladda Federaalka Soomaaliya ,si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda dowlad goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar.

Waa markii labad oo Madaxweyne Farmaajo shir ugu yeero madaxda dowlad gobololeedyada oo khilaaf kala dhexeeyo, waxaana shirkan loogu magacdaray wadatashi, halka markii hore loogu yeeray shirka amniga qaranka.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maalmo kahor shir ay ku yeesheen Garowe ku sameystay xisbi siyaasadeed oo ay ugu magacdareen Horusood Qaran.

PUNTLAND POST