Muqdisho oo saaka Marti galinaysa shirka ururka Iskaashiga Islaamka

Muqdisho-[Puntland Post] Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka..

Shirkaan ayaa waxa ka qeybgali doona 15 dal waxana qaarkood ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka kuwa kalena saaka lasugayo.

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doona illaa 15 dal.

Dhinaca kale wadooyinka Muqdisho qaarkood ayaa saaka xiran waxaana gaadiidka shacabka loo diiday in ay maraan, kaliya waxaa loo ogal yahay gadiidka dawalada ama ay ciidamadu isticmaalayaan.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post