Madaxweynaha Puntland oo rukhseeyay saraakiil ciidan

Madaxweynaha dowladda Puntland ,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa shaqada ka rukhseeyay 7 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland,kuwaasoo maalmo ka hor shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garoowe taageero ugu muujiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo ku taariikhaysan 25 bishan October ayaa shaqada looga ceyriyay saraakiisha kala ah; G/Sare Jaamac Axmed Maxamed (Luujito),G/Sare Maxmed Cali Qase,G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax),G/Sare Cabdirisaaq Aadan Cali (Dhancad),G/Dhexe Cabdulqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro),G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab) iyo Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo).

Saraakiisha la rukhseeyay ayaa sida wareegtada ku cad lagu eedeeyay falal liddi’ ku ah jiritaanka dowladda Puntland iyo anshaxa ciidamada,waxaase go’aankan uu ka dambeeyay shir jaraa’id oo saraakiishu ay ku sheegeen in ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana ay ka horjeedan shirka ay madasha dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST