Ilaalada Mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo lagu soo rogay Amarro Culus

Kismaayo (PP) ─ Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa xusay inaan la ogolaan doonin mar dambe in ciidammo hubeysan ay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo.

Wasiirka oo la hadlayay ciidammo isku dhaf ah oo loogu talo-galay inay wixii hadda ka dambeeya la wareegaan sugidda amniga guud ee Kismaayo, ayaa sheegay inaysan jiri doonin ciidamo hubeysna oo magaalada iska mushaaxi doona.

“Ciidamada Ilaalada u ah mas’uuliyiinta Jubbaland waa inaysan mar dambe u soo dirin ciidankooda oo hubeysan gudaha magaalada, waa inay joogaan goobaha ay ka shaqeeyaan iyo guryahooda, si aanay taasi wax ugu dhimin sugidda amniga magaalada,” ayuu yiri Wasiirka amniga Jubbaland.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maamulka Jubbaland ay wadaan qorshe ah inay wax ka bedelaan amniga Kismaayo, inkastoo xilliyadii lasoo dhaafay ay magaaladaas ahayd mid ammaankeeda la isku halleyn karo oo aysan ka dhicin wax rabshado ah.

“Ciidamada Amniga sugaya waa in loo hoggaansamo amarrada ay bixiyaan, haddii ciidammo hubeysan ay qabtaanna waxaan ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku darya, isagoo xusay inaan loo dul-qaadan doonin cid walba oo amaanka wax u dhimaysa.

Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu soo saaray amar uu isugu yeerayo dhamaan madaxda amniga dowlad-goboleedyada dalka, si ay uga xaajoodaan arrin la xiriirta amniga maamul-goboleedyada isku ujeeddada ah ee Somalia ka jira.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo wasiir ka tirsan Jubbaland uu amrakan oo kale soo saaro, waxaana tallabadan ay saameyn badan ku reebi doontaa ciidammo si nabad-galyo ah isaga mushaaxi jiray xarunta Jubbaland ee Kismaayo.

PUNTLAND POST