Wafti ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo Muqdisho Gaaray

Muqdisho-[Puntland Post]-Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta soo gaaray wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka,waxana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ka kala socday dalalka  Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

dalalkan ayaa ka qeybgali doona Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Magalada Muqdisho waxana aya ka kooban yihiin 14 dal oo ay soomaliya ku jirto.

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in uu ka furmo Berri Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST