Akhriso:-Wariyeyaasha Sacuudiga u xiran kadib dilkii Khashoggi

Iyadoo muranka la xiriira kiiska dilka wariyihii caanka ahaa ee u dhashay Sucuudiga, Jamaal Khaashuqji, uu heerkii ugu sarreeyay marayo ayey ururka Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF waxay sheegeen in 28 wariye oo kale ay ku xiran yihiin Sucuudiga.

Suxufiyiintan ayaa lagu soo qabqabtay howlgal si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay, sida ay shaacisay RSF, oo sidoo kale soo daabacday sawirrada suxufiyiinta ugu caansan ee xabsiga ku jira.

Sida ay suxufiyiinta aan xuduudda lahayn qabaan, Wariye Jamaal Khaashuqji ayaa loo dilay sababo la xiriira inuu dhaleeceyn jiray xukuumadda Sucuudiga, waxaana isla sababtaas awgeed hadda Sacuudiga gudihiisa ugu xiran ugu yaraan 28 suxufi, oo isugu jira kuwa maqaallada ku qora wargeysyada iyo kuwa baraha xiriirka bulshada ku baahiya wararka, waxayna dhammaantood xukuumadda uga careysiiyeen qoraalladooda.

Qaarkood waxaa xabsiga la dhigay intii ay xilka hayeen boqor Salmaan ama boqorkii uu dhaxlay ee Cabdalla.

Waxaa ku jira wariyaha ka tirsan warbaahinta Citizen ee lagu magacaabo Raa’if Badawi, kaasoo sannadkii 2012-kii lagu riday xukun 10 sano oo xabsi ah iyo 1,000 jeedal, oo la sheegay inuu ku muteystay aflagaadeynta islaamka.

Suxufiyiinta kale ayaa lagu soo xirxiray howlgalka ka dhanka ah mucaaradka dowladda ee uu sannadkii 2017-kii billaabay dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo uu dhalay boqorka hadda xilka haya ee Salmaan Bin Cabdul Casiis.

Waxaa sidoo kale ka mid ah saddex haween ah oo difaacayay xuquuqda dumarka.

Dhammaan saddexdoodaba waxaa xabsiga loo diray iyagoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xukunka lagu riday.

Inta badan suxufiyiinta hadda xiran ayaa sugaya in la maxkamadeeyo.

Inkastoo aysan xurriyad heysan, waxay xaaladda ku sii xumaan kartaa marki la xukumo.

Salmaan Al Cawdah, oo ah nin bixiya casharrada diiniga ah, internet-kana wax ku baahiya, waxaana bishii Siteembar lagu riday xukun dil ah.

Wariye oo lagu magacaabo Fayez Bin Damakh, oo sidoo kale abwaan ahaa, waa la la’yahay meel la geeyay.

Wax war ah lagama hayo tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii 2017-kii, xilli uu damacsanaa inuu telefishin cusub kasoo furo waddanka Kuwait.

Warbaahinta dalka Kuwait ayaa sheegtay in loo gacan galiyay dowladda Sucuudiga, ka dibna xabsi la dhigay.

Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa soo daabacay sawirrada wariyeyaasha la xabisay, oo ay ku jiraan kuwa ugu caansam dalka Sucuudiga.

RSF ayaa sheegtay in tirada suxufiyiinta ah ee xilligan xiran ay ka badan karaan 28 wariye, maadaama ay adag tahay in xukuumadda laga helo xogta ku saabsan dadka xabsiyada ku jira.

Suxufiyiintii la xiray wixii ka horeeyay sannadkii 2017-kii

AKHRISO

-Calaa Brinji, oo ah wariye ka tirsanaa warbaahinnada kala ah Al-Sharq, El Bilad iyo Okaz.

-Waliid Abu al Khair, oo ah aasaasaha hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee dalka Sucuudiga.

-Naziir al Maajid, oo ah wariye qoraa ah oo la shaqeynayay warbaahinno kala duwan oo ay ku jirto Al Hayat et Al Sharq.

-Faadhil al Manafes, oo ahaa wariye ka tirsan warbaahinta Citizen, isla markaana u doodi jiray xuquuqda aadanaha.

Suxufiyiintii la xiray wixii ka dambeeyay sannadkii 2017-kii

-Saalih al Shehi, oo ah wariye ka tirsan warbaahinta Al Wadan.

-Eman al Nafjaan, oo ah haweeney u doodda xuquuqda dumarka, ahna aasaasaha warbaahinta dhinaca internet-ka ee haweenka Sucuudiga.

-Nouf Cabdulcasiis al Jeraawi, oo ah haweeney wariye ah oo dhinaca internetkana wax ku baahisa, iyo waliba qof u dooda xuquuqda dadka kale.

-Nassima al Sacda, oo ah wariye qori jirtay maqaallo ay ugu doodeysay xuquuqda haweenka.

-Cali Al Cumaari, oo ah aasaasaha telefishinka 4Shabab TV.

-Maalik al Axmad, oo ah tifaftiraha warbaahinno kala duwan, ahna aasaasaha warbaahinta Al Mohayed.

-Maxamed Sacuud al Bishaar, oo ahaa wariye maqaallada u qora warbaahinno uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Twasul.

-Jamiil Farsi oo ah ganacsade, isla markaana ah wariye maqaallada ku qori jiray warbaahin uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga kasoo baxa ee Okaz, waxayna dad fara badan kala socdeen bartiisa Twitter-ka.

-Essam Al Zamiil, oo ah dhaqaaleyahan ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen.

-Cabdalla Al Maaliki, oo ah macallin ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen.

-Salman al Cawdah, oo ah nin isbaddal doon ah oo wax ku baahin jiray dhinaca internet-ka, isla markaana lahaa dad fara badan oo kala socday bogiisa internet-ka.

Xigasho BBC