Shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo mudda 5 maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo.
Shirka ayaa intii u socday looga hadlay qodobo ku saabsan amniga,Federaalis-ka,doorashooyinka,Khilaafka u dhexeeya madaxda Federaalka & dowlad goboleedyada iyo arrima kale,waxaana la filayaa in war-saxaafadeedka ka soo baxaya uu qodobada kor ku xusan diiradda saaro.
Madaxda dowlad goboleedyada,Puntland,Galmudug,Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa furitaankii shirkan si adag u dhaliilay hannaanka ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku waddo siyaasadda dalka,iyagoo ku eedeeyay in ay duminayso nidaamka Federaalism-ka ee dalku qaatay.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la heshiiyay xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isagu ka maqan shirka Garoowe uga socda madaxda kale ee dowlad goboleedyada.
PUNTLAND POST