Puntland oo soo bandhigtay xisaab-celinta lacagihii ka soo gaaray Federaalka

Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa lagaga jawaabay qoraalkii shalay ka soo baxay xafiiska wasiirka maaliyada Federaalka, kaasi oo lagaga dalbanayay dowlad goboleedyada in ay ka soo xisaab-celiyaan lacagihii ka soo gaaray dowladda Federaalka.

Qoraalka waxay wasaaradda maaliyada Puntland ku soo gudbisay dhammaan lacagihii ka soo gaaray dhinaca Federaalka Sannadkii 2017 ilaa sannadkan 2018.

lacagta naga soo gaartay Dawladda dhexe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland” ayaa qoraalka lagu yidhi

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in wasaarada maaliyada Puntland  ay la wadaageen xisaab-celinta dhammaan xafiisyada ay khuseeysay muddo bil ah ka hor.

PUNTLAN POST