Madaxda dowlad goboleedyada oo sameystay xisbi siyaasadeed

Madaxda dowlad goboleedyada

Shirkii mudada afarta beri ahayd uga socday magaalada Garowe ee xarunta Puntland madaxda afarta dowlad goboleed ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa la soo gaba-gabeeyay.

War-murtiyeed ka soo baxay shirkaas oo ka koobnaa sagaal iyo toban qodob (19) ayaa inta badan looga hadlay arrimaha amniga iyo siyaasada Soomaaliya.

Madaxda afarta dowlad gobobeed ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa isku raacay in ay sameystaan xisbi siyaaasadeed loogu magacdaray Horusocod Qaran (National Progressive Party), waxaana Guddoomiye ku meel gaara loogu doortay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa Guddoomiye cusub u doortay Shariif Xasan Kheekh Aadan, halka ay ku xigeen u doorteen Axmed Ducaale Gaalle (Xaaf).

Xisbi siyaaseedkan Horusocod Qaran ee ay sameysteen madaxda dowlad goboleedyada ayaa la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay xisbiyada siyaasada Soomaaliya ee ka qeyb gali doona doorshada 2020 ka dhici doonta dalka.

Warar ay helayso PUNTLAND POST, ayaa sheegaya in xisbigan Horusocod Qaran shirweynihiisa qorshuhu yahay in Guddoomiye loogu doorto Cumar Cabdishiid Cali Sahrmaarke oo taageero badan ku leh gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa bilaha soo socda waxaa ka dhici doona doorashooyin.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran

PUNTLAND POST