Xili maanta warqad ka soo baxday wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle looga dalbaday maamul goboleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ayaa waxaa ka jawaabay Maamulka Jubbaland .
Wasiirka maaliyada ee maamulka Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle ayaa arintaasi goordhow ka hadlay.
Wasiirka ayaa sheegay in aanay jirin lacag ay dowlada siisay maamul goboleedyada gaar ahaan maamulka Jubbaland.
Wasiirka ayaa ku macneeyay warqadii ka soo baxday Xafiiska wasiir Beyle in ay tahay mid lagu calqaladeeyno shirka maamul goboleedyada ee Garoowe ka socda.
Wasiir Qalinle ayaa sheegay in warqadii hore ee isla arintaasi looga codsanayay maamul goboleedyada lagu soo beegay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post