PUNSAA oo baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaalamaya gobolka Sool

Dallada Bulshada Rayidkaa Puntland ee PUNSAA ayaa baaq nabeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

War-saxaafadeed ay soo saartay PUNSAA ayaa loogu baaqay beelaha walaalaha ee  ku dagaalamaya deegaanka Dhumay ee gobolka Sool in ay ku joojiyaan colaada si shuruud la’aan ah iyo in khilaafka jira lagu xaliyo wadahadal.

Sidoo kale PUNSAA ayaa ka codsatay hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, wax-garadka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafrdeedka

PUNTLAND POST