Duqa Muqdisho iyo Dhiggiisa Boosaaso oo ka Wada-hadlay Iskaashiga Labada Magaalo

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee maamulka Puntland, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Boosaaso horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

Inj. Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Boosaaso ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dowladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Boosaaso Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

C/salaan ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa ka guddoomay dhigiisa Boosaaso marti-qaad rasmi ah oo ku saabsan in uu booqasho ku tago magaaladaas oo Xarun u ah Gobolka Bari, isagoona dhankiisa ugu hambalyeeyay Duqa Boosaaso, Ku-xigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka magaalada Boosaaso doorashadii dhawaan lagu soo doortay.

PUNTLAND POST