Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo baaq u diray Beelaha ku dagaalamaya gobolka Sool

Bosaso[Puntland Pos] Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaalamaya deegaanka Dhumay ee koonfurta gobalka Sool.

Beeldaajaha ayaa  ayaan darro ku tilmaamay dagaalada soo noqnoqday, waxana uu tacsi u diray eheladii dadkii ku geeriyooday dirirta sokeeye.

“Waxan ugu  baaqayaa Garaadada, Madaxdhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya, waxaa ayaan darro ah in ay soo noqnoqoto aafadan ragaadisay nabadda iyo xasilooninada deegaanada gobalka Sool. “ayuu yiri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin .

Ugu dambeyn Puntland ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato daminta colaadaasi, shacabkana waxa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyan horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka deegaanadaasi.

In ka badan 40 ruux ayaa ku geeriyootay dagaal beeleed labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Dhumay, waxaana dagaalkan dib u soo cusboonaaday uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara deegaanada Gobolka Sool.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post