Shir ku saabsan hal-abuurka Tiknolojiyadda oo Maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Somalia Cabdi Cashuur Xasan ayaa si rasmi ah u furay maanta shirka Tiknolojiyadda Muqdisho oo looga hadli doono hal-abuurka Tiknolojiyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Md. Maxamed Aadan (Koofi) oo xafladdii furitaanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay Shirweynaha, iyagoo xusay sida teknolojiyadu saameynta ugu leedahay hawlaha ay qabtaan.

Wasiirka, ayaa mar kale ku celiyay sida uu ugu faraxsan yahay wacyiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee dalka oo sare u sii kacayo, iyadoo tani ay tahay dhacdadii 4aad ee labo toddobaad gudahood uu ka qeyb galo oo u gaar ah arrimaha teknolojiyada.

Wasiirka ayaa sheegay in 30kii sano ee uu burburka ka jiray dalkeena ay ahayd 30-kii sano ee horumarkii ugu ballaaran ee dhinaca teknolojiyada uu adduunka ka dhacay, taasina ay u dhiganto inaan 90 sano dib u dhacnay. Hase yeeshee, wuxuu wasiirka sheegay in rajo la dareemayo marka aad aragto dhallinyaradan oo kale iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaraddu waddo hawlo badan oo isbeddelo muuqda looga sameynayo isgaarsiinta iyo teknolojiyada, iyadoo qaar ka mid ah hawlahaas lagu guuleystay, kuwa kalena ay socdaan sida dajinta xeer-nidaamiyeyaal lagu nidaaminayo suuqa, mideynta adeegyada dawladda ee eGovrenment, iyo dhiirri-gelinta hal-abuurka.

Wasiirka oo ka hadlay in Wasaaraddu ka shaqeyneyso sidii loo heli lahaa suuq uu ka dhaco tartan xor ah oo nadiif ah, iyadoo la daryeelayo danaha shacabka. “Qaarkiin waxaa laga yaabaa inaad haysataan laba, saddex ama afar taleefoon maadaama shirkadaha aysan wada-hadlin karin [interconnection]…..waxaan idin ballanqaadeynaa, haddaan nahay Dawladda Federaalka, in xilligan oo kale sanadka dambe in 1 simcard iyo 1 talefoon uu dalka oo dhan ka wada shaqeyn doono,” isagoo taas ula jeeday inay isku furmi doonaan.

Ugu damben, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Somalia, ayaa u mahadceliyay shirkadda iRise oo soo qabanqaabisay Shirweynahan iyo intii ku dhiirri-gelisay inay qabsoonto hawshan weyn.

PUNTLAND POST