Madaxweynaha Turkiga oo Warbixin ka siiyay Dunida Qaarijintii Wariye Jamal Khashoggi

Ankara (PP) ─ Madaxweynaha Dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan astaamo xoog leh oo muujinaya in dilka loo geystay suxufigii Sacuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid si heer sare ah loosoo qorsheeyay, loona fuliyay si aad u fool xun.

Erdogan oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayay Baarlamaanka ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn sheegashada Sacuudiga ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka suxufigan.

“Dilka Jamal Kashoggi, waxaa diyaariyay mas’uuliyiin sucuudiyaan ah oo ka tirsan xukuumadda, waxaana dilkiisa la qorsheeyay bishii hore ee September iyadoo la dilay horraantii bishii Oktoobar,” ayuu yiri Erdogan oo u muuqday in warbixin dhameystiran uu haystay.

Hadalka Madaxweyaha Turkiga ayaa wuxuu meesha ka saarayaa hadalkii ay horay u sheegeen Sucuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggi uu ku geeriyooday dagaal Qunsulayaddooda Istanbuul ku dhex-maray isaga iyo xubno halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in 18-ka qof ee Sacuudiga ay sheegeen in dilka loo xiray lagu maxkamadeeyo Magaalada Istanbul oo dilka uu ka dhacay. Wuxuuna intaas ku daray inuusan wax shaki ah ka qabin daacadnimada boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis, isagoo aan bixin faahfaahin intaa ka badan.

Dhanka kale, Erdogan ayaa sheegay inaan weli la aqoon halka uu meydka Jamal Khashoggi jiro, wuxuuna Xukuumadda Sacuudiga ka dalbaday in ay shaaca ka qaadaan qof Turkish ah oo la shaqeeya inuu maydka qaaday.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Turkiga ayaan khudbaddiisa ku magacaabin Maxamed Bin Salman oo qaar ka mid ah sharci-dajiyayaasha Mareykanka ay dilka ku eedeeyeen, iyagoo dalbaday in dilkan lagu sameeyo baaritaan aad u qoto-dheer.

PUNTLAND POST