Wareysi: Dagaalkii gobolka Sool oo la isku gabal-dhacsaday iyo khasaaraha oo sii kordhay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaaraha dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Dhummay oo dhacda koonfurta degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dagaalkaasi ayaa waxaa uu geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

In ku dhow 30 ruux ayaa dagaalkaasi ku dhintay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ah dhinacyadii dagaalamayay.

Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil oo kamid ah aqoonyahanada ku dhaqan degmada Laascaanood oo la hadlay goordhow oo caawa ah Puntland Post ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkaasi iyo khasaaraha uu geystay.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaaladaasi ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dhinacyadaasi ay isku gabal-dhacsadeen dagaalkuna uu si iskiis ah uu u joogsaday.

Hoos ka dhageyso codka Wareysiga waxaana wareystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo PP-k atirsan

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post