Maxkamad sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambiyo horay loogu soo eedeeyay

Muqdisho (PP) ─ Saldhiga degmada Dharkeenley ayaa 25-kii bishii lasoo dhaafay ee Septmber u soo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta ciidanka Qalabka  Sida ee Somalia eed ka dhan ahayd, Cali Maxamuud Axmed, Cabdi Xaaji  Bashiir, Axmed C/risaaq Axmed iyo C/fataax C/qaadir Axmed oo ka-wada tirsan ciidamada Asluubta Somalia, kuwaasoo ay soo gudbiyeen ciidamada deegaanka Garasbaaley oo sheegay inay dhac geysanayeen.

Xafiiska xeer-ilaalinta, ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane Xabsiga Dhexe si loosoo dhameystirao dhamaan caddeymahooda.

Bishan lixdeedii ayay xafiiska xeer-ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana saddex cisha kaddib maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska saldhiga booliiska Dharkenley iyo ilaalada deeganka Garas-baaley.

Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeri ah oo mar kale la isugu soo noqdo fadhiga maxkamadda.

Sidoo kale, 18-kii bishan October ayaa mar kale la isugu soo noqday fadhiga maxkamadda, waxay xafiiska xeer-ilaalinta lasoo shir-tageen kaliya inay jirto in xilliyo kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka, balse xilliga la soo qabanayay afarta eedeysane aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.

Dhanka kale, Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga maxkmada ka sheegay inay raggan ilaalo indha-indheyn ah ay ka  hayeen fadhigooda, wuxuuna ku dooday inaysan jirin wax cadeymo ah oo lagu xukumi karo, sidaas awgeedna uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xuriyadooda.

Ugu dambeyn, Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan, ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xoriryadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay Col. Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

PUNTLAND POST