Guuleed oo sheegay in aan Gaalkacyo nabad lagu fadhiyi doonin inta laba maamul wada-joogan

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug,Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay hannaanka loo maray nabadda iyo xasiloonida ka aslaaxday magaalada Gaalkacyo.

Mudane Guuleed oo xalay wareysi bixiyay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu shalay madaxweynaha Puntland ka sheegay shirka Garoowe ka socda,kaasoo ahaa in madaxweyne Xaaf uu ka shaqeeyay nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Gaalkacyo.

Guuleed ayaa sheegay in nabadda Gaalkacyo ka dhalatay ay ka dhigantahay in shacabka Galmudug ay maqan u noqdaan dhinaca Puntland,taasina aan marnaba la qaadan karin,sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayuu ku ku dhaliilay habka uu nabadda kula qaatay Puntland ee ah in laba maamul ka wada-taliyaan Gaalkacyo.

Wuxuu intaasi raaciyay in haddii la doonayo nabad iyo xasilooni Gaalkacyo loo daayo hal maamul oo ka wada-taliya,balse inta labada maamulba joogan aan nabad lagu fadhiyi doonin.

PUNTLAND POST