Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay hub iyo ciidan geysay Magaalada Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur-galbeed, ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa Dowladda Dhexe ee Somalia ku eedeeyay in saacaddihii lasoo dhaafay ciidan iyo hub ay geysay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Afhayeenka ayaa sheegay in diyaarad siday ciidan ay gaartay Baydhabo, isla markaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur-galbeed ka dhici doonta bisha soo socota.

Sidoo kale, Dowladda Dhexe ayuu ugu baaqay inay ka qayb-qaadato Gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo toddobaadkii hore.

C/llaahi Sh. Xasan ayaa sheegay inay kasoo hor-jeedaan golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ee loogu baaqayay inay golaha yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay madaxweyne Farmaajo.

Dhaka kale, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la sheegay in Dowladda dhexe ee Somalia ay dabada ka riixayso wasiir ka tirsan xukuumadda kaasoo ay doonayso inuu noqdo hoggaaminaya xigi doona madaxweynaha xilka haya.

Ugu dambeyn, Wasiirka la sheegay in Xukuumaddu Somalia ay waddo ayaa ah C/casiis Lafta Gareen oo ah wasiirka Tamarta iyo Biyaha, kaasoo xilka kula tartami doona tiro musharraxiin ah oo xilkan u taagan.

PUTLAND POST