Dagaal beeleed dib uga qarxay Koonfurta gobolka Sool

Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa saaka socda degaanka Dhummay ee Koonfurta gobolka Sool.

Dagaalka oo qarxay aroornimadii hore ee saaka oo Isniin ah ayaa ku fiday tuulada Dhummay iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas xooggan oo ay is’dhaafsanayan malayshiyaadka labada dhinac,sida ay sheegeen goobjoogayal.

Dad ku sugan naxaawigaasi ayaa laga soo xigtay in qiiq iyo uuro laga arkayo gudaha tuulada Dhummay oo dagaalku ka socdo,balse wax faahfaahin ah lagama hayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Bil ka hor ergo ka kooban cuqaal,isimo,culimo iyo ganacsato oo ka baxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in ay heshiis dhex dhigeen labada beelood,kadib dagaal dad badan ku dhinteen oo halkaasi ku dhexmaray.

Lama oga waxa saaka dib u kiciyay colaadda beelaha oo horena marar kala duwan soo laa-laabatay.

Wixii faahfaahin ah kala soco:Puntland post