Tababar ku saabsan wacyi-gelinta Dastuurka oo Garoowe ka furmay

Tababarkan oo ku saabsan wacyi-gelinta iyo  fahamsiinta Dastuurka ayaa Garoowe loogu qabtay 30 ka kamid ah shaqaalaha wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo Dimuqoraaddiyeynta Puntland.

Tababarka oo soconaya mudda laba maalmood ah ayaa waxaa iska’kaashanaya wasaaradda Dastuurka Puntland iyo hay’adda UNDP,waxaana inta uu socdo shaqaalaha loogu sharraxayaa casharro iyo macluumaad xambaarsan fahamka iyo barashada Dastuurka dalka.

Agaasimaha Waaxda Dastuurka,Yuusuf Ibraahim Saalax oo faahfaahin ka bixiyay tababarka ayaa sheegay in lagu qaadanayo casharro ku saabsanFahamsiinta Dastuurka Soomaaliya ee haatan dib u-eegista iyo turxaan-bixintu ku socoto,si shaqaaluhu awood ugu yeeshaan in ay gobolada ka sameeyaan wacyi-gelinta Dastuurka.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka Puntland,Cabdirashiid Maxamed Siciid oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay dadaal badan geliyeen qabsoomidda tababarkan,si kor loogu qaado aqoonta shaqaalaha wasaaradda,loona tayeeyo fahamkooda ku aaddan Dastuurka.

Ugu dambyentii, wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Puntland,Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil(Filibiin) ayaa shaqaalaha ku boorriyay in ay si fiican uga faa’idaystaan macluumaadka iyo aqoonta ay u gudbinayaan macallimiintu muddada uu socdo tababarkaan.

PUNTLAND POST