Khudbadii Madaxweyne Gaas ka jeediyay shirka dowlad goboleedyada ee Garowe

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee shirku uga furmay Garowe

Maanta waxaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland ka furmay shirka madasha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa shirka furay, isagoo sheegay in ajandaha shirkan looga hadli doono ay kamid yihiin amniga dalka, doorashada Soomaaliya 2020, qeysiga kheyraadka badda iyo qeybsiga deeqada dibada.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay xaalada Galmudug iyo doorka Madaxweyne Xaaf ka qaatay nabada Puntland iyo Galmudug.

Shirkan waxaan ka qeyb galin Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabd Waare oo horey uga tirsnaa Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyada, balse dhawaan heshiis la gaaray dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST