Garowe: Axmed Madoobe oo weerar afka ah ku qaaday dowladda Federaalka

Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo  maanta Khudbad dheer ka jeediyay shirka Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya oo Garowe ka furmay ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dheeraaday sida uu usii xumaanayo amniga dalka iyo gaar ahaan in la gabay masuuliyadii ka saarayd dowlada federaalka ah hogaaminta dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, isagoo cadeeyay in uu qabo tuhun ah in Al-Shabaab ay dowladu kula jirto gorgortan, taas oo meesha ka saartaysa ayuu yiri howlgaladii dalka lagaga xorayn lahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in amnigu uu yahay ahmiyad gaar ah oo ay ahayd in laga wada shaqeeyo hadii la waayo taasna aysan xaalada wadanku horay u socon Karin, wuxuu xusay in dowladu ay xiitaa sugi ladahay amniga wadada Makka Almukkarama, taas oo xiitaa la kala xir xiray oo shacabku ay dhib badan ku qabaan sida uu sheegay, isagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay in howlahaas dib loo eegi doono isla markaasna madashu ay go’aan kasoo saari doonto xaalada amaanka wadanka.

Sidoo kale Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dhamaan heshiisyadii la galay aysan waxba ka fulin qaarkoodna ay dowlada federaalka ah isbadal ku samaysay, kuwaas oo kala ahaa heshiiyada qaybsiga khayraadka amniga iyo doorashooyinka.

Isagoo arintaas ka hadlaya ayuu sheegay Axmed Madoobe in dowladda federaalka ay faafisay daacayado been ah oo ay ku sheegtay in madaxda dowlad goboleedyadu ay mudo xileedkooda kordhinayaan taas oo uu sheegay in ayna waxba kama jiraan tahay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu sheegay in doorashada Jubbaland ayna hal maalin daba maraynin wakhtigeeda isla markana ay sidaas oo kale yihiin dhamaan dowlad goboleedyada oo aysan jirin cid mudo kororsi samaynaysa wararka ay faafisay dowlada federaalka ahna ay qayb ka tahay dagaalka cad ee ay kula jirto hanaanka federaalisamka ah oo ay uga gol leedahay in shaqaaqooyin ay ka abuurto dowlad goboleedyada.

Waxaa kale oo Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in doorashada 2020 ayna qabsoomi karin waliba lagu hungoobi karo hanaankii qof iyo codka ahaa hadii dowlada federaalka ah ayna badalin wadada ay dalka ku wado oo burbur horseedi kara, sida uu sheegay.

Madaxwayne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in hanaanka federaalka ah ee yahay nidaam daawo looga dhigayo dhibaatadii dalka ka dhacday isla markana guulo waa weyn laga gaaray taas oo ay tahay in aan indhaha la iska tirin umada Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay u taalo in ay wado kale qaado marka ay dhamaadaan dhibabkii loo qaatay hanaanka federaalka ah oo anan wali gaarin isgoyska aan wado kale ku dooran lahayn.

Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu madaxda federaalka ah xusuusiyay in ay dowladnimada Soomaaliya tahay qori isku dhiib ninba uu meel gaarsiinayo oo aanay ahayn wax maanta uun bilowday dowladahii Soo maray dalka burburkii kadib ayuu sheegay in ay mudan yihiin in lagu amaano sida ay ugu soo dhabar adaygeen marxaladahii adkaa ee ay dalka soo dhaafiyeen.

Khilaafka dowlad goboleedyada iyo federaalka ayuu sheegay in ay sal u yihiin qodobo masiiri ah sida amniga wadanka, qaybsiga khayraadka, doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka oo hadii aan laga heshiin ayuu yiri Axmed Madoobe in koox kali ah ayna siday doonto ka yeeli karin isla markana daraf qura ayna Soomaaliya aragtidooda iyo wixii ay jecel yihiin ku maamuli karin.

Gaba gabadii Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) wuxuu sheegay in xaalada wadanka si guud loo qiimayn doono mudada shirkan uu socdo isla markana kadib la guda gali doono sidii dhamaan bulshada, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo culimadu u yeelan lahayeen shirar aayaha wadanka lagaga hadlayo.

PUNTLAND POST