Sucuudiga oo qirtay dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji

Dowlada wadanka Sucuudiga  ayaa qiratay dilkii loo geystay saxafigii caanka ahaa ee u dhashay dalkaasi sucuudiga oo lagu magacaabi jiray Jamaal Khaashuqji.

War ay qortay wakaalada wararka ee Sucuudiga ayey ku sheegtay in dilkaasi uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay isaga iyo ilaalada Qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul.

Suxifigaan oo in badan la baadigoobayay ayey ugu dambeeyntii Sucuudiga uu qirtay in ciidamadiisu ay dileen.

Dhinaca kale Sucuudiga ayaa sheegay in ay 18 qof oo kamid ah saraakiil sar sare arintaas loo xeray, isla markaana xilkii laga qaaday taliye ku xigeenkii sirdoonka iyo la taliyaha gaarka ah ee dhaxal sugaha sucuudiga.

Sucuudiga ayaa la kulmaya cadaadisyo badan oo kaga imaanaya wadamada reer Galbeedka oo ka xumaaday dilka wariye Jamaal Khaashuqji.

Wadamada dunida ayaa lagu wadaa ina ay maanta war ka soo saaraan sheegashada Sucuudiga uu sheegtay dilka wariye Jamaal Khaashuqji.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post