Shirka GID oo maanta Garoowe ka furmaya

Xarunta shirku ka furmayo wasaaradda maaliyadda Puntland

Madaxweynayaasha saddexda dowlad goboleed ee Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa goor dhow imaanaya magaalada Garoowe oo uu maanta ka furmayo shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa hal diyaarad ka soo wada-raacay magaalada Baydhabo,halkaasoo uu saaka gaaray Axmed Madoobe oo ka soo amba-baxay Kismaayo.

Labada madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan oo hal diyaarad siddo ayaa haatan laga sugayaa garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa saaka safar dhulka ah kaga soo baxay magaaalada Gaalkacyo isagoo ku soo wajahan dhinaca caasimadda Garoowe.

Shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo gelinka dambe ee maanta ka furmaya xarunta wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa waxaan gebi ahaanba ka qeyb geli doonin madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Mudane Waare oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka golaha islaashiga dowlad goboleedyada ayaa golaha laga saaray kadib markii uu shaaciyay in uu la heshiiyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf kala dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada.

Ugu dambeynti, weli si rasmi ah looma shaacin qodobada looga hadlayo shirka madasha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ku soo aaday,xilli khilaaf kala dhexeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana qaar kamid ah dowlad goboleedyada doorashooyin ku soo fool leeyihiin.

PUNTLAND POST