Musharax Maxamuud Khaliif Xasan [Eng Jabiye] oo laga taageeray Bosaso

Bosaso[Puntland Post]Xaflad ballaaran oo lagu taageerayay Maxamuud Khaliif  Xasan [Eng jabiye] u taagan xilka madaxweynaha Puntland ee 2019 ayaa lagu qabtay hotelka Jubba ee magaaladda Bosaso.

Xafladan oo ahayd casho sharaf ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin hurmuudka dhalinyarada gobalka Bari,iyo marti sharaf kale oo munasabada lagu casuumay.

Kalmado kala duwan oo munaasabadda laga soo jeediyay ayaa lagu tilmaamay taariikhda Maxamuud Xasan Khaliif [Eng Jabiye] iyo garab istaagii uu u sameeyay dhalinyaro badan oo xiligan hormar ka gaadhay noloshooda.

Dhallinyarada munaasabada soo agaasimay ee degmada Bosaso waxaa ay sheegeen inay diyaar u yihiin garab istaaga iyo la shaqaynta Musharaxa Maxamuud Xasan Khaliif [Jabiye], iyagoo tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin inuu guulo la taaban karo kasoo hooyo doorashada Madaxtinimo ee Puntland 08 Jan, 2019.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso