Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbay inuu Jawaab dhaqso ah ka bixiyo khilaafka Jira

Muqdisho (PP) ─ Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Somalia ayaa looga dalbaday Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xukuumadda inay jawaab degd-deg ah ka bixiyaan khilaafka u dhexeeya iyo maamul-goboleedyada si loosoo af-jaro.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulan ay maanta yeesheen ka hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia loo qabtay saddex maalmood inuu jawaab ku bixiyo, taasoo ku eg 22-ka bishan Oktoobar.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in xukuumadda ay la daahday muddadii loogu tala-galay inay jawaab siiso golaha Aqalka Sare, si loo gudo-galo xallinta khilaarka muuqda ee taagan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in maamul-goboleedyadda ay dhowr jeer ka codsadeen inay dib u dhigaan shirka maamul goboleedyadda, isla-markaana ay aqbaleen, balse Dowladda dhexe ay ku guul-darreysatay inay jawaab bixiso.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta magaalada Cadaado lagu doortay madaxweyne la sheegay inuu hoggaamin doono maamulka Galmudug, kaasoo lagu magacaabo Axmed Baasto, inkatoo aysan weli wax hadal ah oo arrintan ku aaddan aysan kasoo bixin dowladda dhexe.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayaa waxaa u dhexeeya muran dhanka awoodda ah, iyadoo shir ka dhacay Kismaayo ay ku sheegeen madaxda maamul-goboleedyada inay xiriirka u gajeen DF, isla markaana maanta uu ka baaqday kulank ay ku yeelan lahaayeen Garoowe.

DHAGEYSO: Hadalka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DF;

PUNTLAND POST